|
FAHRASKA KITAABKA
Mahadnaq……………………………………………...2 Hordhac………………………………………………...2 Side loogu saliyayaa Rasuulka (SCW)……………….7 Taariikhda mawlitu nebiga iyo wakhtigii ugu horaysay ee lalayimaado………………………………9 Xukunka shareecada uu ku yeelanayo mawlidku….11 Hadalada shirkiga ah ee ku jira mawliidka………...22 Maxay culimada islaamku ka yidhaahdeen mawlidka……………………………………………...32 Gebagebo……………………………………………...34
Mahadnaq
Mahad iyo aamaan waxaa iska leh Ilaahay, Allaah ayaanu mahadinaynaa, kaalmo iyo dambi dhaafba aanu ka dalbaynaa, Qofkii uu hanuuniyo cid lumin kartaa majito, cidii uu lumiyona cidi mahanuunin karto, waxaan qirayaa oo aan carabka kaga dhawaaqayaa, qalbigana ka ictiqaadsanahay mid xaq lagu caabudaa inuuna jirin Ilaahay mooye, cid lawadaagtaana majirto, waxaan qirayaaa in maxamadna adoonkiisii iyo Rasuulkiisii(SCW) yahay,naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee. Intaa kadib:- Waxaan halkan ku soo bandhigayaa qoraal kooban oo ku saabsan xukunka shareecada islaamku ka qabto in mawlitu –nebi- ama dabaal deg loo sameeyo dhalashadii Rasuulka(SCW), waxaan halkan ku sheegi doonaa dhawr arrin oo ku saabsan mawlitu nebiga waxa loo yaqaano, Hordhac:
Xaquuqda Rasuulka (SCW):- Rasuulkeena (SCW) suuban naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee, waxaa jira xuquuq waajib ah oo uu inagu leeyahay, xuquuqdaas oo qofkasta oo Muslim ah ay waajib ku tahay inuu fuliyo oo dhawro, Waxaa xuquuqdaa ugu horeeya: in la rumeeyo in uu yahay Rasuulkii(SCW) Ilaahay soodiray ee shareecada iyo risaalada inoogu soo dhiibay, xaqan oo ah mid ay xambaarsantahay shahaadatu anna maxamadan Rasuululaah. Waxay keensanaysaa shahaadadaa Rasuulka (SCW) aynu uga marag kacayna waxyaabahan soo socda in la rumaysto waxkasta oo Rasuulku(SCW) sheego oo uu kawaramo in lagu adeeco waxa uu faro oo sidiiisa loofuliyo In waxa uu diido ee uu reebo laga dheeraado. In Ilaahay lagu caabudo shareecada nebiga uu inoogu soo dhiibay oo aan wax kele lagu caabudin.
waxaa ka mid ah xuquuqda Rasuulku(SCW) innagu leeyahay in la ixtiraamo oo latawqiiriyo oo laga fogaado waxii dhib iyo meelkadhac rasuulka (SCW) ku ah. Waxaa Ilaahay yidhi:
(لتؤمنوا بالله ورسوله وتعزروه وتوقروه.......الآية)سورة الفتح,آية (9)
Waxyaabaha waynanynta ka hor imanaya waxa ka mid ah cayda iy aflagaadada dadka qaarkood Rasuulka (SCW) u gaystaaan taas oo ah arrin islaamnimada burinaysa. Waxa xuquuda Rasuulka (SCW) ka mid ah in lagu daydo oo sunnadiisa laraaco Waxaa udaliil ah aayada Ilaahay ku yidhi:
(لقد كان لكم في رسول الله أسوة حسنة لمن كان يرجوا الله واليوم الآخر). سورة الأحزاب، آية (20) Waxaa idiinku sugan Rasuulka(SCW) Ilaahay kudayasho wanaagsan,kiinii rajaynaya Ilaahay iyo maalinta dembe lakulankeeda.
Waxaa aayado badan Ilaahay ku faray in Rasuulka(SCW) la- adeeeco oo la- yeelo amarkiisa, sida qawlka Ilaahay yidhi:
(وأطيعوا الله وأطيعوا الرسول)
Ilaahay iyo Rasuulkiisa(SCW) yeela, Waxa kala oo Ilaahay ku tilmaamay in hanuunku ku jiro adeecitaanka Rasuulka(SCW), sida uu yidhi:- . ( وإن تطيعوه تهتدوا)
Waxa kele oo Rasuulku(SCW) yidhi, sida ku sugan xadiis saxiix ah oo bukhaari iyo muslimba soo saareen, oo uu soo warinaayo saxaabiga layidhaahdo abuuhurayra, ( كل أمتي يدخلون الجنة إلا من أبى، قيل:- ومن يأبى يا رسول الله؟ قال:- من أطاعني دخل الجنة ومن عصاني فقد أبى) Waxa Rasuulku(SCW) yidhi ummadaydu jannada ayay wada gelayaan qof isagu iska diida mooyee, waxaa lagu yidhi: yaa diidaya Rasuul allaw? Waxuu yidhi: qofkii I adeecaa jannada ayuu gelayaa ,kii icaasiyaana wuu iska diiday. waxaa ka mid ah xaquuqda Rasuulka(SCW) in aynu jeclaano oo aynu ka jeclaano lafaheena iyo ubadkeena iyo dadka oo dhan, waxa Ilaahay yidhi saree oo ceeb ka hufnaaye :-
( النبيّ أولى بالمؤمنين من أنفسهم) سورة الأحزاب، آية(6). Waxa macnaheedu yahay nebiga ayaa uga mudan muminiinta lafahooda.
Waxuu kaloo Rasuulku yidhi (SCW)
( لا يؤمن أحدكم حتى أكون أحبّ إليه من والده وولده والناس أجمعين) متفق عليه من حديث أنس. Midkiin laga helimaayo iimaan illaa uu iga jeclanayona waalidkiisa iyo ilmaha uu dhalay iyo dadkoo dhan.
Hadaba qofka aan Rasuulka(SCW) jeclayn waa qof aan lahayn iimaan dhab ah. Waxaa calaamad u ah jecaylka Rasuulka, naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee. In la raaco sunnadiisa oo dadka loogu baaqo, oo lajeclaado cidda sunnada Rasuulka ku dhaqmaysa, cidda sunada khilaaftana lanaco. Oo layska ilaaliyo in lagu dhaqmo wax aan sunnada Rasuulka(SCW) ka mid ahayn. Waxaa Ilaahay yidhi:
( قل إن كنتم تحبون الله فاتبعوني يحببكم الله ويغفر لكم ذنوبكم ) آلعمران، آية(31) Waxa Ilaahay ku yidhi nebigiisa, waxaad ku tidhaahdaa hadaad jeceshihiin Ilaahay isoo raaca Ilaahay ayaa idin jeclaan oo idiin dembi dhaafiye. Waxaa dhab ah oo lawada garanayaa in qofku cidda uu jecelyahay uu ku daydo oo uu raaco, madhici karto in qofku ciduu jecelyahay caasiyo ama ku Dayan waayo, markaa waa in laynaga helo Rasuulka raacitaankiisa, si jecaylka Rasuulka aynu jecelnahay dhab u noqoto.
Waxaa kele oo ka mid ah xuquuqda Rasuulka (SCW) in lagu salliyo, Ilaahay ayaa ina faray inaynu salino, waxaa Ilaahay yidhi :-
( إن الله وملائكته يصلون على النبي، يا أيها الذين آمنوا صلوا عليه وسلموا تسليما ) سورة الأحزاب، آية(55). Waxaa jira meelo kela duwan oo si-gaar ah, laysku amray saliga Rasuulka(SCW),waxaa kamid ah: - Markasta oo Rasuulka (SCW) lasoo hadalqaado, fadhiga ugu dambeeya ee salaadana waa waajib in lagu saliyo Rasuulka(SCW) sharafte leh. Marka qafku ducaysanayona waxaa la amray in uu Rasuulka(SCW) ku saliyo. Waxaa Rasuulku (SCW) yidhi:- ( من صلى عليّ واحدة صلى الله عليه بها عشرا )، أخرجه مسلم وأبو داود والترمذي. Qofka hal jeer igu saliya waxaa Ilaahay ku saliyaa toban jeer. Markaa qofka saliga nebiga diidaa waa qof gaal ah .
Side loogu saliyayaa Rasuulka (SCW)? Ku saliga Rasuulku waa cibaado oo ajar badan baa ku jira, hadaba sida loogu saliyayo waa sida Rasuulku (SCW) cadeeyay oo saxaabada u baray waa siday saxaabada iyo taabiciyiintu ugu saliyi jireen waxaana arinkaa inoo cadaynaya Axaadiis saxeexa oo aad iyo aad u tiro badan. Hadaba waxaynu halkan ku sheegi hal xadiis oo bukhaari iyo muslim ku xusan waana xadiiska sedan laftigiisu yahay:-
عن عبد الرحمن بن أبي ليلى قال:- لقيني كعب بن عجرة، فقال: - ألا اهدي لك هدية؟ إن النبي صلى الله عليه وسلم خرج علينا، فقلنا: - يا رسول الله قد علمنا كيف نسلم عليك، فكيف نصلي عليك؟ فقال النبي(ص):- << قولوا؛ اللّهمّ صلّ على محمّد، وعلى أل محمّد، كما صليت على ابراهيم وعلى أل إبراهيم، انك حميد مجيد، وبارك على محمّد وعلى أل محمّد، كما باركت على ابراهيم وعلى أل إبراهيم، إنك حميد مجيد>>.
Waxaa xadiiska macnihiisu Yahay: - wuxuu yidhi taabiciga magaciisa layidhaaho cabdi raxmaan ibnu abii laylaa” waxa ila kulmay saxaabiga layidhaa{kacbi ibnu cujra”markaa suu yidhi:- markuu hadiyadeeyaa hadiyad? Nebiga ayaa naxariis iyo nabad gelyo korkiisa haahaatee” noosoogalay dabadeedna waxaanu kunidhi Rasuulkii Ilaahayow waanu garanay sidaanu kuusalamnaye ee sidee kuugu salinaa? Dabadeed wuxuu yidhi Rasuulkii: - waxaa tiraahdaan Ilaahayow kusali maxamed iyo eheladiisa sidaad ugu saliday nebiyulaahi Ibraahim iyo ehelkiisa Adaa amaano iyo sharaf balaadhanbaleh oo barakee maxamed iyo ehelkiisa sidaad ubarakaysay ibraahim iyo ehelkiisa adaa amaan iyo sharaf balaadhanbalehe.
Qaabka iyo qaababkale oo kadhow ayaa axaadiista saxiixa ah tilmaamaysaa waana kaa saliga Rasuulka ee Ilaahay Ina faray waana sidii Rasuulka saxaabada baray waana sida marka salaada lagu jiro loogu saliyo Haday si kale jiri lahaydna Rasuulku saxaabada ayuu Bari lahaa Qofka ku saliya Rasuulka waa inuu sidaa ugu saliyaa waxaa markaa mudan in lakala saaro oolakala garto saliga Rasuulka iyo qasaa, ida la akhriyo marka maawlitu nabiga iyadoo mawlitu nabigu jirin ayay saxaabadu sidaa Rasuulka ugu saliyijireen maynay qaadijirin qasaaidkan hada la akhriyo wax yaabha layaabka leh waxaa kamid ah in lakagaran waayo saliga Rasuulka iyo qasaaida laqaado oo markaa qofka diida mawliidka layidhaa saligii Rasuulka ayuu diidan yahay!! Waxaa taasi ay lamacnatahay in layidhaahdo qofka mawlidkaa aan qaadin Rasuulka kumuu saliyin; waxaa xataa soo gelaya saxaabadiii tabiciin tii iyo cidii dabadood timi ee aan ogayn mawliidka!!
Taariikhda mawliidka ama udabaal dega dhalashadii Rasuulka iyo wakhtigii lajideeyay:-
waxay isku waafaqsanyihiin culimadu iyo taariikhyahanada muslimiintu in dabaal dega Rasuulku dhashay oo wax la akhriyo ama xoolo laqaalaa inay tahay arin cusub oo uu
yahay arin aan jirin wakhtigii Rasuulka iyo saxaabada iyo taabiciintaba iyo kuwii ka dambeeyey taasi waa arin dhaba oo aan lagu muransanayn waxay dhamaan culimada isku wada waa faqsanyihiin in mawlidka Rasuulku amrin siwaajibnimo ah iyo si sunonimo ah asxaabtii iyo; taabiciintuna farin. Hadaba tolow waa Ayo cidii ugu horaysay ee latimi? Waxay sheegeen culimo badan oo taariikhyahanada muslimiinta ahi in cidii ugu horaysay ee bilawday ay ahaayeen koox kamid ah shiicada kuwa ugu mayal adag oo looyaqaano {albaadiniya; alcubaydiyiin;alfaadiniyiin} Waxaa kamid ah culimada taariikhda ee arinkaa sheegay:- 1:-taariikhyahanka shaaficiga ah ee caanka ah ee layidhaahdo {almaqriisi} wuxuu ku sheegay kitaabkiisa layidhaahdo: -
((المواعظ والاعتبار بذكر الخطط والأثار)) Juska koobaad safxada 40aad
2:-waxaa kale oo sheegay Shaykh layidhaahdo Alqalsha qandi wuxuu kusheegay kitaabka layidhaahdo: - ((صبح الأعشى)) Jiska sadexaad safxada 494
3:-waxaa kale oo sheegay sheikh layidhaahdo{assunduubi} wuxuu ku sheegay kitaabkiisa:
((تاريخ الاحتفال بالمولد النبوي)) safxada 69
4:- waxaa kale oo sheegay sheikh layidhaahdo {cali maxfuud} oo ku sheegay kitaabkiisa ((الابداع فى مضار الابتداع)) safxada251
Nimankaasi waxay sameeyaan dabaal dega bisha mawliidka wakhtigay xukumi jireen masar qarnigii afraad, waxay sameeyeen dhawr mawliid oo uu ka mid yahay ka Rasuulku, nimanka oo islaamnimadoodaba laga hadlay oo waxyaabo aad u fool xun sameeya oo ay ka mid tahay inay kacbada qaybo kamida dumiyeen oo ayqaateen xajarul aswadka ayaa ugu horeeyey ixtifaalkan mawliidka sababata ay u sameeyeena waxyaabo kala duwan ayaa lagu sheegay. Kadiban dadkale ayaa kaga dayday cidii ugu horaysay ee dabaal degan ciraaq keenay wuxuu ahaa sheekh Cumar maxamad Al-Arabli Al-mawsili qarnigii 6aad waxaana kaga dayday boqor la oran jiray {Abu saciid mudafarudiin)) qarnigii 7aad aadna ugu dadaali jiray kadibna wadamo badan ayuu ku faaafay ilaa uu aad u faafay nimankaa raafidad ah waxaad ka eegi kartaa taariikhdooda { al bidaaya wannihaaya} ee uu qoray ibnu kasiir17-371 iyo Assiyar ka dahabi 15-173
Xukunka mawliidku ku leeyahay shareecada islaamka: -
Waxaan ognahay dhamaan oo aynu sifiican ugu dheregsanahay sida dadku ay iskugu khilaafsanyihiin mawliidka ee ay ugu kalatagsanyihiin, qaar waxay ka aminsanyihiin in uu yahay shay diin aah oo wanagsan qaar kalena waxay ka aaminsanyihiin in uu yahay wax diinta kasoo horjeeda oo aanay banaanayn in laga qayb qaato, la akhriyo. Hadaba halkan wxaynu ku falanqaynaynaa xukunka uu ku yeelanayo sharciga waxaa qofkasta oo muslim ah waajib ku ah in uu Ogaado in mas’ala kasta oo layskaga horyimaado loo la noqdo kitaabka iyo sunnada Rasuulka ka sugnaatay oo laga dhigo labadooda waxa lagu kala baxayo oo qof kastaa naftiisa ka fogeeyo tacasubka ama dhinac lajirka ku dhisan ku dayashada indhaha la’ marka taa lagaa helo oo aad u hogansatid xukunka Ilaahay waxaada noqonaysaa muumin dhab ah , haddii kale oo aad raacdo naftaada waxaad noqonaysaa qof iimaankiisu aanu dhab ahayn ama xanuunsanayo waayo Ilaahay ayaa sidaa ina faray waana tan iimaanku keensanayo waxa Ilaahay yidhi:-
((فإن تنازعتم في شيئ فردوه إلى الله والرّسول إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الآخر ذالك خير واحسن تأويلا)). Waxa Aayadda macneheedu yahay hadaad wax uun iskaga hortimaadaan waxaad u celisaan Ilaahay iyo Rasuulka haddaad rumaysantihiin Ilaahay iyo maalinta danbe sidaas ayaa idiin khayr badan idiina cidhib wanaagsan
Waxaa culimaduna isku raaceen in ucelinta Ilaahay loola jeedo in loo celiyo kitaabkiisa , ucelinta Rasuulkuna tahay sunadiisa
Waxa kale oo Ilaahay yidhi:-
(( وما اختلفتم فيه من شيئ فحكمه الى الله)) Waxa Aayadda macneheedu yahay: - Waxaad isku qabsataan xukunkiisa xaga ilaahay ayuu ahaaday))
Waa in arinka aad loogu dhugto oo loofahmo in miisaanka wax kasta lasaarayaa kitaabka iyo sunada yahay , wixii kasoo baxana waa lagu wada qasbanyahay in laqaato hadaynaan amarka qaadan waynu wada halaagsamaynaa waynuna lumaynaa qof walibana hawadiisa ayuu raacayaa oo uu caabudayaa waxayna keenaysaa in lays wada khilaafo oo lakala tafaraaruqo waxa kale oo iyana muhiim ah in aqoon loo yeesho in diinta Islaamku ku dhisantahay laba asal oo waawayn oo kala ah: - 1- In Ilaahay mooyee cid kale lacaabudin. 2- In aan Ilaahay lagu caabudin illaa wixii uu sharciyeeyay mooyaane wax kale. arinka hore waaka quraanku inta badan kacabiro Ikhlaas ,waxaana loola jeedaa in Ilaahay loo gaaryeelo cabuditaanka oo Ilaahay cibaadada cidkale lala wadaajin cibaadadaasi ha noqoto , Salaad , Soom ,Sako Baryo , Tala saarad ,ama Kaalmaysi Waxaa Asalkan kasoo horjeeda Shirkiga waxa looyaqaan oo ah in Ilaahay cid kale lala simo oo lala wadaajiyo cibaadada. Asalkan adiladiisu way badantahay waxaana kamid ah hadalka Ilaahay yidhi:-
(( وما أمرو إلاّ ليعبد الله مخلصين له الدين ....))
Ayadda macneheedu wuxu yahay: Lamafarin illaa inay Ilaahay cibaadada u keli yeelaan mooyee, wax kale oo ay Salaadana oogaan Sakadana bixiyaan
Waana u jeedada laga leeyahay Shahaadatu allaa Ilaaha Illalaahu waana shayga Dacwadda Anbiyadu kawada midaysnayd oo ah tawxiidka Ilaahay
Waxa Ilaahay yidhi: - ((وما ارسلنا من قبلك من رسول الاّ نوحي إليه أنه لا إله الى انا فاعبدون)) Aayada macneheedu waxay sheegaysaa:- Rasuul hortaa maanaan dirin ilaa haduu jirana waxanu uwaxyoonay mid xaq lagu caabudaa inaanuu jirin aniga mooyaane, ee aniga uun icaabuda.
Arinka labaad oo ah in Ilaahay marka loo keli yeelo cabuditaanka in uu noqdo waxa lagu caabudayaa wuxuu Ilaahay sharciyeeyay Waxa Rususha Ilaahay u soo diray si ay u sheegaan wixii Ilaahay lagu caabudayay oo ah siduu sharciyeeyay, haddii kale qof kasta siduu isagu u arko ama caqligiisu tuso ayuu u caabudilahaa lakiin taa lama ogola waxa Ilaahay yidhi:-
(( فاستقم كما أمرت ومن تاب معك)). Waxaad u toosnaataa sida lagu faray adiga iyo kuwa kula toobad keenay)).
Waxaa Asalkan kasoo horjeeda waxa loo yaqaano bidcada oo ah in uu qofku waxaan Ilaahay sharciyayn cibaado kadhigto. Waxaa Rasuulkuna sheegay in aan qofna laga aqbalayn wax aan Ilaahay sharciyayn sida ku sugan bukhaari iyo muslim xadiiska caa’isha Ilaahay raali haka noqdee soo werisay in Rasuulku(SCW) yidhi :- ((من احدث في امرنا هذا ما ليس منه فهو رد)) Xadiiska macnihiisu waxaweeye:- Qofkii layimaada wax aan diinta ka mid ahayn waa lagu celinayaa.
Waxa dulucda labada arin ay tahay in wax kasta oo qofku Ilaaha ugu dhowaanayo in laga helo laba shardi oo kala ah:- 1- in camalka Ilaahay dartii looqabanayo 2- In camalkaasi yahay mid Diinta Islaamka ku sugan oo daliil sugaya leh . Hadaad labada arimood sifiican u fahantay waxaynu uguda dhacaynaa xukunka mawliidku uu leeyaha Horu dhacaa kadib waxaad ogaataa walaalkayga muslimka ahow In adilada kala duwani iyo xujooyinka cad cadi kutusayaan in dabaal degan dhalashada Rasuulka aanay ahayn wax sharci ah, waxaa weeye arrin lagu soo daray shareecada islaamka waana wax xaaraan ah oo islaamku ogolayn, waxaana inoo cadaynaya waxyaabahan soosocda:- 1-waxaa weeye dabaal degani arin bidco ah oo islaamka sal iyo raatoona kulahayn Adilada sharciga ah iyo hadalad salafkuna aad ayay udhaleeceyeen in diinta lagu soodaro wax aan kamid ahayn oo daliill sugaaya loohayn waxaa Rasuulku nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi: -
((واياكم ومحدثات الآمور، فإن كل بدعة ضلا له)) أخرجه احمد وابو داود والترمدى. Waxaad iska ilaalisaan waxyaabaha diinta lagu soodaro, waayo waxkasta oo diinta lagu soodaraa waa baadi. Waxaa kale oo Rasuulku yidhi:-
((من احدث في امرنا هذا ما ليس منه فهو رد)) أخرجه البخار و مسلم. Qofkasta oo kusoodara islaamka waxa aan kamid ahayn waa lagu celinayaa
{Riwaayada Al-iimaam Muslim soo saarayna waxay leedahay: - من عمل عملاّّّّّ ليس عليه أمرنا فهو رد)).)) Qofkii qabta camal shariicad aan ku sugnayn waa lagu celinayaa
Saxaabadii iyo salafkii fiicnaa ee inaga horeeyay sidaas ayay isku dardaarmijireen waxyna diidi jireen in Ilaahay lagu caabudo wax aanu sharciyayn oo bacda nebi ah Mawliidku in uu bacda nebiyahay waa wax laysku wada waafaqsan yahay mar hadii uu bacda nebi yahayna lama ogola in Ilaahay loogu dhowaado, ka ugu dhowaadana laga aqbalimaayo sidaa axaadiista ku sugan
2:-waxaa kusugan dabaal degan samaysi ciid sedexaad oo ahayn labada ciidood ee islaamka oo kala ah ciidul FIDRIGA iyo ciidul ADXA iyo ciida wiiga oo ah maalinta jimcaha ciiduhuna waxay ka mid yihiin umuurta shareecada ee aan rayiga laga qaadan ciid afraad in lasamaysto ma aha mid islaamku ogolyahay markii Rasuulku madiina yimi waxay lahaayeen laba casho oo ay ciyaaraan markaas ayuu Rasuulku yidhi:-labakale ayaa Ilaahay idiinku bedelay ciidul fidri iyo ciidul adxaa, marka ciidan kale ee ku beegan dhalashadii Rasuulka(SCW) xagee laga keenay?. Waata kele eh yaa ogalaaday hadii Rasuulku labadii cisho udiiday saxaabada reer madiina sidaana ay ugaga hadheen yaa kuwan u ogolaaday ciidan Waa yaabe?!.
3:-sadexdii qarni ee wanaagsanaa saxabadii iyo taabiciintii iyo kuwii xigay oo ah quruun tii fadliga badnayd EE Rasuulku amaanay layna amray inaynu ku dayano, ahna kuwa inaga jacayl badan Rasuulka lamay iman midna muu samayn dabaal degii dhalashada Rasuulka haduu lahaan lahaa khayr iya gaa inooga dheerayn lahaa ma qof ayaa odhan anaa saxaabadii Rasuulka khayrka ka badsaday. Hadii mawliidku khayr yahay maxay ula iman waayeen?! Maxa loo sheegi waayay al- imaan ashaafici ama al-imaam axmad ibnu xanbal, ama maalik, ama abuxaniifa oo dabaal- deg u sameeyay dhalashadii rasuulka? Midna lagama hayo arinkaa, waayo wax aan diinta meelna ku haysan, iyaguna ilaahay waxii uu sharci ka dhigay ayay ugu dhawaan jireen oo keli ah. 4- Waxaa ku jira mawliidka Rasuulka loogu dabaal dego ku talax tag iyo xad gudub lagu sameeyay Rasuulka amaantiisa, ilaa wax la waydiistay oo Ilaahay lala simay Rasuulkuna wuu inoo diiday in lagu talax tago amaantiisa wuxuuna yidhi: -
((لا تطروني كما أطرت النصارى عيسى ابن مريم إنما انا عبد فقولوا عبد الله ورسوله)).رواه البخارى Haku talax tagina siday nasaaradu ugu talax tageen Ciise Ibnu Maryam, adoon ayaan ahay uun waxaad idhaahdaan adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisii.
Maxaa ka xun talax tag keenay in lagu sheego Rasuulka in uu waxa maqan ogyahay oo uu daalacanayo wax looxul maxduufka ku qoran, Ilaahayna wuxuu leeyahay:-
((قل لا يعلم من في السموات ولآرض الغيب الاّّّ الله)). ((Ma oga waxa ku sugan samaawaadka iyo dhulka Ilaahay mooyee)).
Waxa dhacay in Rasuulka laga ag yidhi iyadoo la amaanayo
((وفينا رسول الله يعلم ما في غد)). Dabadeed wuxuu ku yidhi taa iska dhaafa ma oga waxa beri ku sugan Ilaahay mooyaane cid kele
maxaa ka xun talax tag lagu sheegay in Rasuulka lagu tilmaamo inuu dunuubta dhaafo iyadoo Ilaahay leeyahay: -
((ومن يغفر الذنوب إلاّ الله)). ((Yaa dunuubta dhaafa oon Ilaahay ahayn))?
Talax taga caynkaa ah iyo wax ka daran ayaa ku sugan Mawliidka sigaar ah ayaynu u tilmaami doonaa Insha Alaah. 5- Dabaal degani waxa weeye ku dayasho lagaga dayday Nasaarada dabaal deg ay u sameeyeen Ciise Ibnu Maryam, in lagu daydaana waa xaaraan, wuxuu Rasuulku yidhi:-
((من تشبه بقوم فهو منهم)).رواه ابو داود عن ابن عمر ((Qofkii cid isu eekaysiiyaa cidaa ayuu ka mid yahay)).
Waa inaynu ku dayano saxaabadii wanaagsanayd ee layna amray inaynu ku dayano, waayo may samayn dabaal deg, mise intaynu ka tagno ku dayashadaa saxaabada ayaynu ku dayanaa kiristaanku waxay sameeyaan?!. 6- Debaal degani wuxuu keensaday waxyaabo badan oo diinta islaamka xaaraan ku ah. Wixii xaraan keensadana waa xaaraan ee maaha wax diin ah. -Wuxuu keensaday waxaa ka mid ah ina habeenka la qaadayo raga iyo dumarku isku milmaan ooy isdhexgal sameeyaan, waana arin xun oon islaamku ogolayn. - Wuxuu kaloo keensaday in habeenkii oo dhan la saamalaylo oo durbaano la tunto marka wakhtigii salaada subax soo dhowaadona la gataati dhoco oo halkaa salaadii subax lagaga tago (Subxaana Laah). - Wuxuu kaloo keensaday in muusik (music) iyo heeso lagu soo jeedo aan islaamku ogolayn, oo iyadoo salaadii loo adimaayo latunto. 7- Waxaa ku jira mawliidka in ku saligii Rasuulka layska hortaago oo looga dhigo mawliikan bidcada ah in uu yahay saligii Rasuulka 8- Taariikhdan dabaaldega loo samynayo dhalashada Rasuulka layskuma waafaqsana inuu dhashay waxayba culimadu u badan yihiin inay tahay wakhtigii uu dhintay. Hadaba maxaa looga dhigay farax maalintii uu Rasuulku dhintay?!. Maxay maalin murugo uga dhigan waayeen?! 9- maalintii Rasuulku(SCW) dhashay tilmaamideeda layskuma waafaqsana waxaana laysugu khilaafsanyahay ilaa 7 qowl(hadal) waxaana ugu caansan maalinta 12aad iyo maalinta 8aad ee bisha Rabiicul awal, hadii dabaal degaasi wax mashruuca ahaan lahaa layskuma khilaafeen. 10- Dabaal degani wuxuu keenay inay muslimiintu is khilaafaan oo ay kala tagaan oo ay taag daro ku dhacdo sidaa awgeed waxa waajib ah in laga tago si muslimiintu umidoobaan mar hadii laysla wada ogol yahay inuu yahay wax cusub, hadana dhib ukeenay muslimiinta waxaa waajib ah in layska daayo waxa yaabahaas oo dhan waxay inoo cadaynayaan in ixtifaalkaasi(Dabaaldegaasi) uuna wax banaan ahayn waxaana inagaga filan in uu yahay wax islaamka ku cusub hadii khayr uu ku jiri lahaa waa laynoo sharciyeen laha waayo khayr majiro haduu jirrana Rasuulku wuu cadeeyay, wax inaga laynoo tala saartayna majiro. Wixii Ilaahay aynu ku caabudaynay oo dhan waa lacadeeyay Qofna uma furna inuu wax cusub iskaga soo daro, kii layimaada laga aqbali maayo Hadaba qofkii mawliidka akhrinaya amaba lacag ku bixinayaa, hays waydiiyo ma wax khayr ah oo aan Ilaahay sharcigarayn ayuu isagu sharci garaysanayaaaaa? Mise saxaabadii ayuu kaga horeeyaa khayrka iyo cibaadada? Ha iswaydiiyo maxaa daliil ah arinkan xagee loola noqonayaaa?
Hadalada shirkiga ah ee ku jira mawlidka la akhriyo:-
waxaa qofkasta ku waajib ah in uu kala saaro xaquuqda Ilaahay ee khasaa,ista Rabinimo ah iyo xaquuqda khalqigiisa, sida xaqa nebiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee, si waxkasta meeshiisa uu udhigo isagoo ucuskanaya quraanka kariimka ah iyo sunnada Rasuulka, hadaba waxaad ogaal dhab ah uyeelataa inay kamid tahay xuquuqda khaska Ilaahay u ah ee rabinimadiisu keenayso in adoonkiisu isaga uun magangalo, wax waydiisto, hadii dhib ama kurbo ku habsato cid aan Ilaahay ahayni faydikarin. Mabanaana qofka dhib ay hayso ama kurbo in cid alle ahayn u cuskado, waana xaq Ilaahay gaar u leeyahay oo ay waajib tahay in ilaahay loogaaryeelo sidaasaa iyadana ah waynaynta dhabta ah ee Rasuulka lawayneeyo waayo, waxa waynaynta Rasuulka ugu wayn in lagaga daydo keliyeelida, Ilaahay ee cibaadada lookeli yeelayo, aayado badan ayuu ilahay ku cadeeyey in dhibta uu ka kor qaado cidii dhibaato ku sugan waxaa ka mid ah ayaadahaa qawlka Ilaahay yidhi: -
((وإن يمسسْك الله بضر فلا كاشف له إلا هو وإن يردك بخير فلا راد لفضله، يصيب به من يشاء من عباده)). Waxaa Ilaahay leeyahay isagoo nabiga la hadlaya hadii Ilaahay dhib ku taabsiiyo cid aan isaga ahayni faydi mayso hadii uu khayr kula doonona cid celin kartaa ma jirto fadligiisa ciduu doono oo adoomihiisa ah ayuu siiyaa)).
Waxa kale oo Ilaahay yidhi: -
((وإن يمسسْك الله بضر فلا كاشف له إلا هو وإن يمسسك بخير فهو علي كل شيئ قدير)). Hadii Ilaahay dhib ku taabsiiyo isaguun baa kaa qaadi kara haduu nimco ku siiyona wax kasta isagaa awooda, Rasuulkii(SCW) khalgiga ugu sharafta badnaa ayuu Ilaahay sidaa ku leeyahay cid kalena iska dhaafoo waa in sidaa aad aamintid oo aad ku dhaqantid si aad u noqotid dhab ahaan qof Rasuulka(SCW) raacsan waxaa kaloo Ilaahay yidh:-
((أمن يجيب المضطر إذا دعاه ويكشف السوء)). ((Waa kee ka aan Ilaahay ahayn ee markuu baryo qoka dhibani ajiiba oo dhibka ka kor qaada))
Waxaad ogaataa in gaaladu wakhtigii Rasuulka (SCW) ay ogolaayeen in dhib Ilaahay kaligii faydo, hadan Ilaahay cid kale ayay ku lamaanayn jireen marka uu dhibta ka qaado waxaa Ilaahay yidhi: -
(( وإذا مسكم الضر في البحر ضّل من تدعون إلا اياه فلما نجاكم إلى البر أعرضتم وكان الاِنسان كفورا)).
Markaa bada dhib idinku qabsato, cid kastoo Ilaahay sokadii baryi jirteen way idinka maqnaataa hadana marka beriga laydiin badbaadiyo ayaad shirki samaysaan)). Hadaba iyadoo ayaduhu sidaa u cadyihiin ayaa dad muslimiin sheeganaya markay dhibta ku dhacdo ayay Rasuulka (SCW) baryayaan in dhib uu ka faydo ama dadka dhintay ee qabuuraha ku aasan iyagoo ku sheegaya in Rasuulka(SCW) ama awliyada waynaynayaan!! Waxaa la wada ogsoonyahay in arinka Rasuulka (SCW) iyo mid ka mid ah saxaabadiisu amrin ee uu fari jiray wixii Ilaahay faray uun oo ah in kaligii la baryo, lamagan galo wuxuu Ilaahay yidhi: -
(( ولا يأمركم أن تتخذوا الملائكة والنبيين أربابا، أيامركم بالكفر بعد إذ أنتم مسلمون)). Idin fari mayo inaad ka dhigataan malaa, igta iyo nabiyada rabiyo aad caabudaan ma wuxuu idin amrayaa gaalnimo idinkoo muslimiin ah ka dib)).
Waxay aayadu sheegaysaa in malaa, igta iyo anbiyada waxyaabaha laga doono oo Ilaahay la gaaryahay ay tahay gaalnimo. Mana aha jacaylka Rasuulka(SCW) waxaan ku waydiinay akhristaha sharafta mudanow hadaad aragto qof sheeganaya inuu Rasuulka(SCW) jecelyahay oo uu waynaynayo oo uu ku amaanayo inuu yahay Rasuulku(SCW) ka abuuray dhulka iyo samada roobka keenay wabiyada jeexay buuraha taagay miyaad ka shakiyaysaa inuu beenaale yahay jacalyka Rasuulkuna(SCW) ka dhab ahayn?!. Hadaba waxba uma dhexeeyaan tan iyo in Rasuulka(SCW) laga dalbo inuu dhibka faydo ama gargaar bixinayo sidaynu Ilaahay abuurista ugu kali yeelnay waa inaynu baryadana ugu keli yeelnaa. Waxaa laga yaabaa in akhristuhu yidhaahdo, oo waxyaabahan lasheegay in Rabi lagaaryahay macidbaa ka shakisan Muslim sheeganaya tolow? Waxaan kuugu jawaabayaa boqol jeer HAA HAA Waxaan halkan kuugu soo bandhigi doonaa waxyaabaha layaabka leh ee ku yaal kutubta mawlidka ee ufiirso waxaan gacanta kuhayaa kitaab layidhaahdo:-
((مجموع مولد شرف الاّنام)). Waxaa kitaabkaa lagu ururiyay dhawr kitaab oo kutubta mawlidka ah,oo kuwa ugu cansan ah ee masaajida qaarkoodna laga akhriyo waxaa lakala yidhaahdaa:-
* مولد البرزنجي(نثر)). * مولد البرزنجي(نظم)).
* البردة. Hadalada kuyaala kutubtaa ee meel kadhaca ku ah Ilaahay, ee lagu baryaayo Rasuulka(SCW) ama gargaar lagu waydiisanaayo. waxaa kamid ah hadaladan soo socda:- 1:-Waaxaa kuyaal kitaabka boga sadexaad: -
السّلا م عليك*** ياماحي الذنوب. Waxaa weeye macnihiisu naxariisi korkaaga ha ahaato ka dunuubta tirtirow)).
Waxaad iswaydiisa yaa adoomaha dunuubta ka tirtira ma cid aan Ilaahay ahayn? Ilaahay ayaa inoo cadeeyey in keligii dunuuba dhaafo wuxuuna yidhi: -
((ومن يغفر الذنوب الا الله)).
2:-Waxaa ku yaal boga afraad 4aad (( السّلام عليك*** يا جالي الكروب)). waxa weeye macnihiisu naxariista korkaaga ha ahaato ka dhibta faydow)).
Ilaahayna waxa usheegay in keligii dhibta faydo 3:-Waxa kuyaal boga 8aad
يا رسول الله يا خير كل الآنبياء نجّنا ِمنْ هاويهْ يا زكِيّ المنصبِ Waxa weeye macnihiisu Rasuulkii {SCW} Ilaahayow anbiyada kii ugu khayr badnaw.naga badbaadi haawiya!!
Ma cid aan Ilaahay ahayn ayaa cadaabka hawiya wax kabadbaadiya 4:-Waxa kuyaala boga 17aad فجدْ يا رسول الله منك برحمةِ*** لِعبد أسير با لذّنوب يقْبل Waxaa weeye mecnihiisa Rasuulkii Ilaahayaw waxad ugu deeqdaa naxariis adoon dunuubi kugu soo qaabilaya! Rasuulka ayuu baryayaa oo waydiisanayaa in dunuubta uu ku soo qaabilayo uga naxariisto Ilaahayna wuxuu leeyahay: -
((وقال ربكم ادعوني استجب لكم)). I barya aan idinka ajiibee
Waxaa Ilaahay leeyahay:- (( وان المساجد لله فلا تدعو مع الله أحدا)). Xubnaha aad ku sujuudaysaan ama meelaha aad ku sujuudaysaan Ilaahay ayaa leh ee cidnaba)).
Ha baryina, Ilaahay ayaa run sheegay Ninkan gabyayna wuu gafay xaqii Ilaahayna wuu dafiray 5- Waxaa ku yaala boga sided iyo soddonaad 38aad: -
أنت للرسل ختام *** أنت للموْلى شكوْر عبدك المسكين يرجوْ *** فضلك الجمّ الغفيْر فيك قد أحسنت طنيْ *** يا بشير يا نذير وأغثني وأجْرني *** يا مجير مِن السّعيْرِ يا غياثيْ يا ملا ذىْ *** في مهماتِ الآموْرِ
ABYAADDAN aad ayuu qofka muslimka ahI ee tawxiidka Ilaahay fahansiiyay uga naxayaa waxa shirki badan oo kala duwan, waxaana ka mid ah :- 1- Rasuulka{SCW} oo uu waydiisanaayo in uu ugargaaro, dhibaatadana uga soo gurmado . 2- Rasuulka{SCW} oo uu waydiisanaayo inuu naarta saciira ka magan galiyo . 3- Rasuulka {SCW} oo gargaar iyo nabad gelyo ka dhiganayo marka dhibta wayni ku dhacdo 4- Rasuulka {SCW} oo rajaynayo fadligiisa badan 5- Rasuulka {SCW} mala fiican uu ka filanayo hadaba, miyaa lagu tilmaami karaa qof adoon Ilaahay u ah mise waa qof Rasuulkii ilaah ka dhigtay oo caabudaya ilaahow tawxiidka nagu sug. 6- Waxaa ku qoran boga sagaal iyo soddonaad 39aad
فعليك الله صلى *** دائما طوْل الدّهر يا وليّ الحسنات *** يا رفيع الدرجات كفّر عنى الذنوب *** واغفر عنى السيئات انت غفار الخطا يا *** والذنوب الموْبقات أنت ستّار المساوى *** ومقيل العثرات عالم السّرّ وأخفى *** مستجيب الدعوات
ِAbyaadan xaquuqdii Ilaahay lahaa iyo sifaadkii Rabi uuyuu Rasuulka {SCW} ku taxay waxa uu koobsaday: - 1- Rasuulka {SCW} oo ka baryaaya inuu dunuubta ka dhaafo oo ka tirtiro. 2- Rasuulka oo uu kutilmaamayo dambi dhaafe badne yahay iyo in dunuubta wax ha layga dhaafo 3- Rasuulka{SCW} uu tilmaamayo inuu yahay ka dunuubta astura, simbiririxadana ka dhaafa yahay 4- Rasuulka{SCW} oo ku sheegayo In waxa la siraysto iyo waxa kasii qorsoon sirta ogyahay. 5- Rasuulka oo lagu sifaynayo yeedhmada ka ajiiba inuu yahay. Hadaba quraanka u laabo ka tilmaamahan lihi ma Rasuulkaa {SCW} mise waa Ilaahay?! Waxaad moodaa in Ilaahay uu iloobay oo uu xaqiisii uu siiyay Rasuulka {SCW} 6- Waxa ku yaal boga koob iyo lixdanaad 61aad iyo ka 26aad: - ((ألا يا نبي الهدى أغث منْ بذكرك يصح)). Waxa weeye micnihiisu nebigii hanuunkaw waxaad u gargaartaa mid xuskaaga ku dhawaaqaaya, Rasuulkuna {SCW} wuxuu ku ducaysan jiray: -
يا حي يا قيوم برحمتك استغيث) ) ((Allaha nolol dhamays Tiran lahow, Allaha koonka maamulka ku qumow. Naxariistaada ayaan gargaar waydiisanayaa((.
Kana intuu Ilaahay ka jeestay ayuu Rasuulka {SCW} gargaar waydiisanayaa 7- Waxa ku yaal boga boqol iyo todobaatan iyo labo 172aad
فإنّ من جودك الدّنيا وضّرتها *** ومن علومك علم اللّوْح والقلم Waxaa macnihiisu yahay:- Waxaa ka mid ah deeqdaada aduunyada iyo dangaladeeda aakhiro ,waxaa ka mid ah cilmigaaga waxa looxul maxfuudka ku yaala iyo waxa qalinku qoray)).
Hadaba waa yaabe muxuu Ilaahay uga tagay markay aaduunyo iyo aakhiroba tahay deeqdii Rasuulka{SCW} waxa looxul maxfuudka ku yaal iyo qalinku qorayo Rasuulka{SCWogyahay, waxaa aayado badan ilahaay ku tilmaamay waxa maqan in kaligii ogyahay sida Ilaahay yidhi: -
(( قلْ لا يعلم من في السموات والأرض الغيب إلاّ الله)). Ma oga cidna cida ku sugan samooyinka iyo dhulalka dhamaantood Ilaahay mooyee)).
Aayadaha qaarkood waxa Ilaahay Rasuulka {SCW} inuu yiraahdo: -
(( قل لا املك لنفسي نفعا ولا ضرا إلا ما شاء الله ولو كنت أعلم الغيب لا ستكثرت من الخير وما مسني السوء إن أنا إلا نذير و بشير لقوم يؤمنون)). سورة الا عراف 188 Waxaad tidhaahdaa anigu uma hayo naftayda dhib iyo dheef.midnaba, wixii ilaah doono mooyee, hadaan ogaan lahaa waxa maqan khayrkaan badsan lahaa, wax dhib ahina iguma dhacdeen, waxaan ahay uun mid gaaladana u digaya,miniintana u bushaaraynaya)).
waxay aayadu sheegaysaa in Ilaahay kaligii dhibta iyo dheeftaba hayo, Rasuulkuna {SCW}dhib iy dheefba u hayn naftiisa iyo cid kele toona, waxa maqana ogayn, hadii uu ogaan lahaana dhibi kuma dhacdeen. Kuwanina waxay rasuulka ka baryayaan inuu dhibta ka korqaado ,waxayna ku tilmaamayaan inuu ogyahay waxa maqan, waxaa halkaa kaaga cadaanaaya in hadalka ilaahay dhab yahay, kooduna shirki shaydaanku u qurxiyay yahay oo uu uga dhigay diin. Rasuulku{SCW} wuxuu sheegayaa inaanu waxa maqan ogayn waxaa xadiis saxeexa oo bukhaari soo saaray ay ku sheegtay saxaabiyada la yiraadho (Rubayic Bintu Mucawid) ina Rasuulku{SCW} u soo galay iyadoo gurigalkeedii ku jirta ay habla yaryarina qaadayaan hadalo ay ka mid tahay: -
(( وفينا نبي يعلم ما في غد)). Waxaa naga mid ah nabi OG Bari waxa jira)).
Dabadeed waxaa Rasuulku {SCW} ku yidhi:
(( لا تقولي هكذا ، وقولي ماكنت تقولين)). Sidaa ha Oran ee waxaad markii hore lahayd iska dheh)).
Waxaa kaloo caa, isha Ilaahay raali ha ka noqdee ay soo warisay in Rasuulku {SCW}yidhi:-
(( لا يعلم ما في غد إلا الله)). رواه الحاكم. Waxa berri jira ilaahuun baa og cid kale ma oga)).
Sidaas ayuu Rasuulku {SCW} ahaa oo saxaabada ku Odhan jiray ,kuwa berri waxa jira iska dhaafe, looxa waxa ku qoran ayay inuu ogyahay ayay aaminsanyihiin. Waxaan hadalkayga ku ururinayaa marka mawliidka la diidanyahay saliga Rasuulka (SCW) lama diidana ee waxa foosha xun ee xadgudubku ku jiro ee saliga umada looga dhigayo ayaa la diidanyahay waxaa la yaab leh in hadal raqiis ah dadka qaarkood ay rumaystaan waxyaabaha shareecada khilaafasan ee kutubta mawliidka ku jira way badanyihiin lamana koobi karo intaas qof caqliga iyo fahan leh way ku filantahay ka hawo raaca ahna wax ma deeqayaan.
Maxay culimada muslimiintu ka yidhaahdeen dabaal degan:
Dad badan ayaa rumaysan in mawlidku yahay cibaadao soojireen ah oo meel kasta lagu qabto, kuwa diidana ay yihiin dad diin cusub wada Sidaa awgeed waxaan soo bandhigi doonaa culimo taariikhdoodu fogtahay iyo qaar ay dhowdahay waxka sheegeen mawliidka, waxaad ogaata walaalkayga muslimka ahaw in mawlidka diididiisu tahay mid horaysay oo aanay ahayn mid hada uun lalayimi, waxaa cadayna sida culimo wakhti hore diiday oo tilmaamay in uu yahay wax islaamka lagu daray kadib wakhtigii saxaabada iyo taabiciinta, Waxayna ku tilmaaameen in qofku ajarkahelayn dambi mooye. Waxaa culimada kamid ah:-shiikha wayn ee layidhaa:- 1-Al-imaam Abuu Xafsa –taajudiin, kitaab ayuu kaqoray oo uu ku sheegay in uu yahay waxsal iyo raad toona lahayn 2-Waxaa kamida culimadaa sheikh layidhaahdo: - Al-imaam Ibnu Alxaaj, wuxuu dhintay markay hijriyadu ahayd {173} kitaabkiisa almadkhal ayuu kusheegay in bidco uu yahay 3:-Waxaa kamid ah sheikh layiraahdo magiciisa :-{ Ibnu naxaas} wuxuu ku diiday kitaabkiisa Tanbiihul qaafiliin. 4:-Waxaa kamid ah {Al-imaa} AShaadibi, wuxu ku sheegay kitaabkiisa {Al-ictisaam} 5-waxaa ka mid ah iimaamka caan ka ah ee la yidhaahdo shawkaani-sida uu ku sheegay kitaab uu kaga hadlay 6-waxaa ka mid ah {Al-imaam taqiyu-diin wuxuu kuu sheegay fataawihiisa, culimadaa iyo culimo kale oo ka danbeeyey oo diidey ayaa jiray sikastaba ha ahaatee wax loo cuskanayo waxkasta waa kitaabka iyo sunaha nebiga midna laguma hayo mawliidka Hadaba ha’umalayn mawliid ku inuu yahay mid maanta uun la diidey hore ayaa culimadaasi u diideen. Inaga oo aan dhalanba wakhti hore cidii mawliidka difaacda daliil cusub ayaa looga baa hanyahay inuu keeno, waligii ma helikaro hal xaraf oo mawliid sheegaya.
Gebagebo iyo gunaanad:-
Waxaan kusoo gunaanadayaa qoraalkan dardaaran aan kula hadlaayo dadka iyagu aqoon ulahayn diinta wax ay culimada kamaqlaan mooyee waxaan kula dardaarmayaa dhowr arin ookala ah:- 1-In ay Ilaahay kabaqaan oo ay ku dadaalaan barasahada diinta, waayo ka bixi maayaan shakiga iyo khilaafka ilaa ay diinta baranayaan 2-Waxaan ugu nasteexaaynaynaa in ayna cid uun iskaga deyan mawliidka iyo difaaciisa, qofna loogucudur daari mayo aw hebel mar hadii uu ogaaday mawliidka in layidhi waa wax aan diinta kamid ahayn ama muran ayaa kataagan waxaa waajibku ah inay kudaalaan siday xaqa ugaran lahaayeen waxaad kawarantaa hadaad istidhaahdo guri iibso oo lagugu yidhaahdo laboqolo ayaa iibinaaya oo isku haysta miyay suurto gal kuutahay inaad dhinac uun gurigaa ka iibsato? Mise waad hubsan lahayd cida leh amaba iska taagi lahayd iibsigaa? Waatusaale aduunyo maxaad umalaynaysaa diinta miyay haboontahay waxla leeyahay waa dambi xun iyo wuu iska fiican yahay inaad labadii qolo dhinac uun iska taageerto adoonhubsan oo dadaalin?! 3-Waxaanu kula dardaarmaynaa inay iska daayaan mawliidka iyo dabaal degiisaba iyo waxku bixintiisa. Waayo qofka mawliidka iska daaya in uusan wax danbi ah lahayn waa wax laysla ogol yahay ka ka qayb qaataana wuxuu ku dhacay arrin lagu danbaabayo hadii aan jahli loogu cudurdiirin. Hadaba wax hadii aad katagto aanad ku dambaabayn hadaad samaysana laleeyahay waadembi maxaa kugu kalifaaya samayntiisa wixii ku shaki geliya iskagatag waad badbaadine 4-Waxaanu kuladardaarmaynaa waxii aanay oqoon ulahayn ee diinta khusiiya in ay ka aamusaan waa xaaraan waxanad cilmi ulahayn in aad kahadasho. 5-Iska ilaali inaad wax baadil ah aad difaacdo, adoon garanayn maalinta yowmul qiyaamaha waa lagu waydiin waxaad kudifaacday maxaad kujawaabi!! {Kafiirso intaanad falin}. 6- Waxaad ogaataa inayna maalinta qiyaamaha xujo kuu noqonayn sidaasaan soo gaadhay ama maqli jiray hadaanad daliil cad u haynin oo kitaabka iyo sunada ah. Kuwa mubtadicada ah Ilaahay hasoohanuuniyo sharkoodana muslimiinta hakajoojiyo inagana ilaahahay xaqahaynagusugo
وصلى اللهم على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه وسلم تسليما كثيرا الى يوم الدين
هل لديك معرفة عن احتفال المولد؟ بقلم أبي الحسن موسى محمد عبد الرحمن (ترح) توزيع مكتبة وتسجيلات النور الإسلا مية
|