KU FEKER

mosimage}

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Ku soo dhawow Rugta 'Dacwa a-salafiya' ee af-soomaliga ku baxda. Muddo aan yarany waxaa la sugaayey ardaa si wacan u qaabaysan oo dacwadda laga soo bandhigo.  Alle wuxuu inoo sahlay oo inoo suurrtogashay boggan -  www.salafisomali.com- markaa waxaan walaalaha Alle dacwadda tusay ee ku toosiyey ka codsanaynaa inay ku dadaalaan sidii ay juhdigaa gaadhsiinta cidda weli ka qatan - Dacwadan barkaysan -  iyagoo adeegsanaya ardaagan iyo kuwa la midka ah ee dacwadda saxda ah fidsha. Ardaagan weli hawshii macluumaad ku shubka ayaa ka socota markaa wixii afkaar iyo ka qayb qaadasho ahba fadlan nala soo socodsiiya.

والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Bahda SalafiSomali.com

 

SALAFI SOMALI LOGIN-GAL






Lost Password - Lumay?
Xubin noqo
Register-Is-qor

Who's Online

We have 19 guests online

TIRAKOOB - STAT

Xubnaha: 95
Warka: 29
Links: 2

Home arrow Quraan arrow Quraan arrow Tafsiirka SUURADDA – Al-faatixa
Tafsiirka SUURADDA – Al-faatixa PDF Print E-mail
User Rating: / 47
PoorBest 
Written by Admin   
Sunday, 28 June 2009

U TARJUMIDDA TAFSIIRKA SHIIKH SACDI   ee

‘taysiir Al-kariim Al-raxmaan fii tafsiir Kalaam al-manaan’

AFka SOOMAALIGA

SUURADDA – Al-faatixa  (& Juz Camma)

 

 

بِسْمِ اللّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ (1)

 

(1) Bismila-hi بِسْمِ اللَّهِ: Macnaheedu waa waxaan ku bi-laaba-yaa magac kasta oo Ilaahay (Alle) leeyahay, waayo dhawaaqa ‘Ism’ waa [mufrad mu-daaf] ama waa magac keligii ah oo wax lagu ladho, sidaas awgeed wuxuu saamaynayaa (oo soo koobayaa) magacyada Ilaahay ee  wanaagsan oo dhan (jamiicil as-maa-ilaahil xusnaa).

----------------------------------------------------

Allaah اللَّهِ: Waa Allihii la caabudayey, ee xaqa u yeeshay in keligii la caabudo, waayo isagoo ah, mid ku sifoobay sifaadka Ilaahnimo (awgeed) sifaadkaas oo ah kuwo dhamaystiran,

 

A-Raxmani A-Raxiim ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ:

Waa laba magac oo muujinaya kuna tusaya in Ilaahay, uu yahay mid naxariis weyn oo balaadhan  leh, raxmadaas oo shay kasta ka badatay (weynaan awgeed) oo noola kasta koobtay, oo uu, u qoray –Ilaahay- kuwa isaga ka cabsada ee raaca nabiyada iyo rususha Ilaahay. Kuwaas waxay helayaan raxmada (mudlaqa ah ) ama xadidaada aan lahayn, wixii ka sokeeya kuwaas – waa addoomaha mutaqiinta ah ee Ilaahay ka cabsada ee anbiyada iyo rususha raaca ka sokeeya- raxmadaas nasiib iyo in uun baa ka soo gaadhaysa oy helayaan. Waxaad ogaataa in qawaacidka (qawaaniinta) ay isku waafaq-sanyihiin salafkii ummada (1) iyo imaamadii ummadu waa rumaynta magacyada Ilaahay iyo Sifooyinkiisa, iyo xukumka ka laasimaya (ka dhalanaya) sifooyinkaas, tusaale ahaan waxay aaminayaan (oy rumay-nayaan) in Ilaahay yahay, Raxmaan Raxiim, kaas oo saaxib u ah raxmada uu ku sifoobay, ee  la xidhiidhta kuu u naxariistay, nicmooyinku kuligood, waa raad ka mid ah raada-daka raxmadiisa, taas oo kale ku qiyaas magacyadiisa kaloo dhan. Markaa waxa la odhanyaa Ilaahay waa Caliim (mid Cilmigiisu shay kasta koobay) : Ilaahay waa caliim cilmi saaxib u ah, cilmigaas oo uu shay kasta ku ogaaday oo ku ogyahay, waa qadiir, wax kasta qudrad (iyo awood) u leh.

 

Al-Xamdu-Li-Laahi ٱلْحَمْدُ للَّهِ: Waa amaan Ilaahay sifaadkiisa dhamays-tiran lagu amaanayo, iyo ficiladiisa ku wajahan fadliga (uu cid ku manaysto) iyo cadaaladiisa (ay ciddi istaahisho) oo Ilaahay wuxuu xaq u yeeshay amaanta dhamays-tiran, ee dhinac kasta ka dhamays tiran.

 

Rabil-Caalimiin رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ: Macnaha –A-Rab- waa kii cid kasta rabeeyey, cid kasta oo Ilaahay ka sokeysa, ha noqoto abuurista uu abuuray, iyo u diyaarinta uu nimcooyinka u diyaar-shay ha noqotee, iyo nimcooyinka waaweyn ee uu ku nimcaysay kuna galadaysatay-ba, taas oo hadday waayaan, kumay eekaan lahaayeen joogitaan iyo jiritaan (qaar jira may noqdeen), markaa wixii nimco ah ee ay helaanba, xaga Ilaahay bay ka timid.

 

Tarbiyada uu Ilaahay, wuxuu abuuray siiyaa waa laba nooc:

 

Tarbiyad Guud                    

Iyo

Tarbiyad Gaar ah

 

Tarbiyada Guud waa abuurista uu makhluu-qaadkiisa , Ilaahay, abuuray, ee uu risqay (waxay ku noolaadaan u fidshay) oo uu ku hanuunshay waxa maslaxada (iyo danta) u ah taas oo ay joogida iyo jiritaanka adduunka ku helayaan.

 

Tarbiyada Gaarka ahi, waa tarbiyada uu awliyadiisa (Weliyadiisa) ku rabeeyey, oo wuxuu ku rabeeyaa iimaanka, oo uu waafijiyaa, oo uu, (u)  dhamaystiraa, oo wuxuu ka ilaashaa wax yaalaha –addoomadaas- Ilaahay ka jeedinaya, iyo carqaladaha Ilaahay iyo iyaga soo dhex geli kara, Xaqiiqada – tarbiyadaasi: waa tarbiyad waafijin wax kastoo khayr leh, iyo ka hor-istaagid wax kastoo shar leh. Waxa laga yaabaa in macnahaasi, uu yahay sirta keensatay in ducooyinka anbiyada (Nebiyada) badankoodu ay ku bilaab-mato –kelmada- A-rab, waayo waxay codsanayaan oo dhami waxay soo hoos gelaysaa –Rubuubiya-Al-Khaasa- tarbiyeentiisa khaaska ama gaarka ah. Markaa qawlkiisa (رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ) wuxuu ku tusayaa ku keli yeelashadiisa abuurista iyo dabaraada (tadbiir), iyo ku keliyeysiga nimcooyinka iyo kaaftoonkiisa dhamayskatiran. Iyo iyada oo dhammaan wuxuu abuuray si buuxda ugu baahi qabaan, baahidaas oo mid weji kasta leh ah iyo qaab kasta .

---------

مَلِكِ يَوْمِ الدِّينِ (4)

-------------------------------------------

Maalik-yawmu-diin  مَـٰلِكِ يَوْمِ ٱلدِّينِ  : Almalik: waa ka ku sifoobay sifada boqornimo taas oo raad keeda ay ka mid tahay inuu waxna amro waxna reebo, cidna abaal marsho cidna ciqaabo, oo ugu taliyo wixii kasta ee mulkiyadiisa ku jira siduu rabo ee doono, oo noocyada mulkiyadda maalinta diinka waa maalinta qiyaama ee; waxaa ka mid ah, maalinta dadka loosoo joojinayo (istaajinayo) wixii camal ay  kasbadeen, camalkaas kiisa khayrka ah iyo kiisa sharka ahba, waayo maalintaa waxaa usoo shaac baxaya ciddii Illaahay abuuray si shaac bixid buuxda ah, mulkiyadiisa dhamayska-tiran, cadaaladiisa dhamayskatiran iyo xikmadiisa dhamayskatiran, iyo dabargo’ida ku timi mulkiyadii wuxuu abuuray oo dhami lahayd, illaa ay maalintaas iska mid ka noqonayaan dadkii boqorada ahaa, kuwii wax xukumayey, kuwii addoomada ahaa iyo kuwii xorta ahaaba, kuligood  awoodiisa iyo waynaantiisa ayey u xakamaysan yihiin, waxay u dulaysanyihiin awoodiisa oo ay sugayaan siduu u abaal marsho, waxay rajaynayaan abaal-marintiisa ajar ahaan, waxayna ka cabsanayaan ciqaabtiisa, sidaas awgeed buu xusida ugu gaarka yeelay (maalintaas), haddii kale, sida la og yahayba, Illaahay waa kii lahaa maalinta qiyaamaha iyo maalmaha kaleba.

إِيَّاكَ نَعْبُدُ وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ (5)

 

macnaheedu waa, adiga keligaa  baanu kuu gaar yeelaynaa cibaadadda iyo isticaanada (ee la kaashiga iyo kaalmaysiga  shay kasta Illaahay la kaalmaysto), waayo (af carabiga) soo hormarinta ciddii ficilkaa awgeed loo sameeyey wuxuu keenaa faa’iido ah in iyada ficilkii lagu koobo, waana u sugida xukumka cidda la xusay, iyo ka saarida ficilkaas ciddii, cidda xusan,  ka baxsan. Markaa waxay ka dhigantahay isaga oo (addoonku) odhanaya: adaan ku caabudaynaa, Ilaahayow,  oo cid aan adiga ahayn ma caabudayno, adaanu ku kaashaynaynaa oo ku kaalmaysanaynaa  oo cidaan adiga ahayn ma kaashaynayno mana kaalmaysanayno. Oo ka soo hormarinta kelmada ‘cibaado’ laga hormarshay kelmada ‘isticaanada’ waa (qaacido ahaan, ta loo yaqaano) waxa guud oo waxa gaarka ah laga hormarsho, iyo ahamiyad ahaan ka hormarinta xaqiisa [waa Illaaha sareeya ee] xaqa addoonkiisa. (( AL-cibaada)) waa magac kulansaday wax kasta oo Illaahay jecel yahay, ka raali yahay ee hadalka muuqda ah iyo ka qarsoon, ((AL-isticaanadu)) waa ku tiirsiga iyo isku halaynta Illaahay ee keenista waxa dheefta leh, iyo ka dheeraynta waxa dhibta leh ay la socoto ku kalsoonaanta in taas uu samayn karo. Ku kicida cibaadada Illaahay (la imaan-shaheeda dheh) iyo la kaashigiisa (cibaadadaas) labadaas ayaa ah jidkii kugu ridayey sacaadadda iyo farxadda lagu waaro, iyo ka badbaadka shar oo dhan, markaa meel loo maro badbaado  oon jidkaa ahayni ma jirto, cibaadadu ma noqonayso cibaado illaa mooyaane markii laga qaato rasuulkii Illaahay –Sallalaahu Calayhi-wacala-Aallihi-Wasalam-  uun oo loogala jeedo (waa cibaadaddaase) Illaahay hortiis markaas labadaa shay bay cibaadadu cibaado ku noqotaa .Wuxuuna xusay ((Al-isticaana)) kelmada ((Alcibaada)) ka dib inkastoo ay soo dhex gelayso, waayo baahida uu addoonku u qabo kaashiga Illaaheena Sareeya ee  cibaadooyinkiisa oo idil ka kaashado, oo haddii Illaahay u gargaari waayo, ma heli karo wixii uu doonayey ee falid (ku kicid ) amar ahayd, iyo ka fogaansho (ka dheeraansho) wax laga reebay ahayd. [ FIIRA GAAR AH: Shuruudaa oo ah labada shardi ee cibaado ku ansaxdo waa: (1) Suna raac iyo (2) Illaahay hortii ula qasdi. Halkaa waxaa ku baxay, haddii shirki ku jiro (oo cid kale la-la wadaajiyo) cibadadaas lama aqbalo, haddii bidco iyo waxaan rasuulkeenu inoo jidayn ay ku jiraana lama aqbalo, kolkaas dadyahow muslimka ahi ka feejignaada arintaas si cibaadadiina Illaahay idiinka aqbalo, kuligeenba]

 

 

 

اهدِنَا الصِّرَاطَ المُستَقِيمَ (6)

 

Macnaheedu waa, Na tilmaan oo na hanuuni, oo na waafaji jidka toosan, waana jidka cad ee Illaahay, ku gaadhsiinaya, iyo jannadiisa, waa garashada xaqa iyo ku camal falkiisa, markaa nagu hanuuni jidka dhinaciisa nagu-na hanuuni jidkaa laftiisa, Jid ku hanuunita (waxaa lagu helaa), laasimida (ku eekaanshaha) diinta Islaamka, iyo ka tegida wixii kasokeeya ee diimo kale ah, oo ku hanuunanka diintu, waxay koobsanaysaa gabi-ahaan qaybaha diinta oo idil barashadeeda ha noqoto iyo ku camal falkeeda ha noqotee. Markaa ducadani ‘jidkii hanuunsanaa nagu toosi’  waa ducooyinka kuwa ugu duco weelayska badan (ducooyin  farabadan bay soo koobtay), waana kuwa ugu dheefta badan addoonka, sidaas awgeed bay waajib ku noqotay qofka bani-aadmiga (muslimka ah) inuu iIllaahay ku baryo rakcad kasta oo salaadiisa ka mid ah, waayo baahida, addoonku, u qabo awgeed.

             ---------------

صِرَاطَ الَّذِينَ أَنعَمتَ عَلَيهِم

ْ               ----------------

Jidkaas toosani waa ‘jidkii kuwii Illaahay u nimceeyey’ ee Nebiyaddii (Al-anbiyaa), Rumeeya-yashii ((sidiiqiintii),) (A-shuhadaa) Shuhadadii iyo kuwii suubanaa (as-saalixiin)

غَيرِ

Aan ahayn jidkii

 

المَغضُوبِ عَلَيهِمْ

 

Kuwii xaqa gartay ee ka tegey sida Yahuuda iyo wixii la halmaala,

وَلاَ

Aanan ahayn jidkii

الضَّالِّينَ

Kuwii xaqa uga tegey aqoon la’aan iyo lumid awgeed sida Nasaarada iyo wixii la midka ah. Kolkaa suuradani inkastoo ay gaabantahay, waxay koobsatay  waxyaalo aanay koobsan suurad suuradaha quraanka ka mid ahi. Waxaanay xanbaartay noocyadda tawxiidka ee SADDEXDA ah:

 

1)    TAWXIIDKA A-rubuubiya (rabanimada Eebe),

kaas oo laga qaadanayo qawlkiisa (odhaahdiisa) رَبِّ الْعَالَمِينَ

 

 

2)    TAWXIIDKA Al-uluuhiya (Tawxiidka Illaahnimada Illaahay, (ee ah inuu yahay ka keliya ee xaq lagu caabudo, wixii kalee ciddi caabudaana ay tahay kuligeed mid baadil iyo been lagu caabuday), waa u keli yeelida Illaahay cibaadadda, waxaa laga qaadanayaa lafdiga (dhawaaqa) اللّهِ

Iyo qawlkiisa (odhaahdiisa)

 

إِيَّاكَ نَعْبُدُ وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ

3)    TAWXIIDKA Al-Asmaa Wa-sifaat (oo ah  tawxiidka magacyadda Illaahay ee wanaaga badan iyo sifaadkiisa saraynta badan). Tan oo macnaheedu yahay inaan u sugno Illaahay sifaadka kamaalka  ee dhamaystirka aan dhamaystirnaan ka danbaynin, sifaadkaas oo Illaahay isu sugay, sifaadkaas oo rasuulkiisuna u sugay iyadoo tacdiil iyo diidmo lagala hor-imanayn, iyadoo cid ku metelid lagala hor-imanayn, iyadoo cid ku shabihid lagala hor-imanayn,iwm)

Taana waxaa ina tusaya lafdiga (odhaahda)   الْحَمْدُ

Sidii hore inoo soo martay. Oo waxaa xanbaarsan sugida Nebinimada qawlkii Illaahay ee:

اهدِنَا الصِّرَاطَ المُستَقِيمَ

Waayo tani lama gaadhi karo risaalad la’aan (farriin Illaahay la’aan). Waxay kaloo xanbaarsan tahay, sugida ka abaalmarinta acmaasha (wixii qof falay) qawlkiisa:

مَلِكِ يَوْمِ الدِّينِ

Oo abaalmarintuna waxay u dhacaysaa si cadaalad ku dhisan, waayo (kelmada) A-diin,  macnaheedu waa cadaalad ku abaalmarin. Waxay kaloo xanbaarsan tahay sugida qadarka, oo addoonku yahay mid ficilka ku kacaya si dhab ah, taas oo khilaafaysa waxay rumaysan yihiin firaqa, Al-Qadariya (2) iyo Al-Jibriya(3). Bal iska dhaafe (suuradani) waxay xanbaarsan tahay u jawaabida cid kastoo ehel u noqotay (la timi) bidcooyin (wax kastoo sunnaha rasuulka khilaafsan) iyo cid kastoo  lunsan, taa waxay ku cadahay, qawlkiisa

(اهدِنَا الصِّرَاطَ المُستَقِيمَ)

Waayo tani waa garashada xaqa iyo ku camal falkiisa, oo mid kastoo bidcad (suna khilaaf) la yimaadaa waa mid taas dhinac maray oo khilaafay.

Waxay kaloo xanbaarsan tahay (suuradani) u ikhlaas yeelida diinta Illaahay (Illaahay hortiisa u qasdiga diinta) ha noqoto cibaaddada (Illaah caabudka/ Al-cibaada) ama ha noqoto Illaah Kaashiga (Illaah kaalmo waydiisiga/ Al-Isticaana) taasina waxay ku cadahay qawlkiisa:

(إِيَّاكَ نَعْبُدُ وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ)

 

Mahad oo dhami Illaahay bay u sugnaatay rabigii caalimiinta.

 

 1-(waa dadkii diinta inoo soo gudbiyey ee asxaabtii iyo taabiciyiintii wanaaga ku raacay ee saddexdii boqol ee sano ee Islaamka ugu horeeyey jirey

   ---------------------    -------------------------    -----------------------------------------------------------------------------------------

 DHAMMAADKA TARJUMADDII TAFSIIRKA SUURATUL AL-FAATIXA (GAABAN)

------------- ---------------------- ------------------------     -------------------   ------------------------------------------------------------------

Tarjumadii Suurada Al-Faatiixa intaas bay ku dhan tahay.


Tarjumadan, waxaan ka tarjumay tafsiirka Quraanka ah ee magaciisu yahay

‘taysiir Al-kariim Al-raxmaan fii tafsiir Kalaam al-manaan’ uu alifay

A-shaykh Al-calaama Cabdi Raxmaan Ibn Naasir A-sacdi oo dhashay 1307 Hijriga dheelmadayna 1376 –Al-hijriga. Illaahay ha u naxariisto hana u nuuriyo qabrigiisa hakana abaalmarsho juhdigiisa uu ku fasiray kalaamka Illaahay hana uga dhigo miisanka xasanaadkiisa maalinta aanay waxba tarayn maal iyo mood iyo ilmo toona mooyaane cid uu Illaahay siiyey qalbi saliim ah.

 

Waxaa tarjumaadaas Af-soomaali ahaan ku dedaalay

Axmed,  Wixii aan asiibay tarjumaadan macnacaha tafsiirku waa fadliga Alle iyo nimcadiisa wixii aan seegayna waa mid ka timi naftayda iyo shaydaan quraanka Illaahayna waa ka ba’rii.  Qof kasta oo khalad ka hela tarjumaada sharaxa tafsiirkan quraanka ee afka Soomaaliga ku baxay; waxaanu ka codsanaynaa in uu qoraal ku soo gudbiyo isaga oo faahfaahinaya khaladkaas iyo goobta uu ku yaal. Isla markaasna isaga oo mahadsan sida saxda ah emeelka hoose ha soo dhigo. Dhammaan cid kasta oo khalad ku aragta tarjumaadan oo na soo gaadhsiisay waanu ku mahadinaynaa kuwaas oo Alle dartii ula jeeda iyo sixida tarjumaadan macnaha tafsiirka. Mar kale fadlan wixii talo iyo tusaale ah soo dhigga  emeelka : 

 

Jazaakumulaahu khayran

 

 

Last Updated ( Saturday, 04 July 2009 )
 
  Copyright © 2006 - Salafi Somali. All rights reserved
Website designed by : sooguji.com