|
Ku soo dhwow Rugta 'Dacwa a-salafiya' ee af-soomaliga ku baxda. www.salafisomali.com
FOOLXUMADA IYO FASAHAADKA FALKA ARGAGIXISO
DAAH KA QAADIDA DAMBIILAYAASHA DENBI-FALKAN SHAYDAAN KU KACAY
‘Hubaal waxa ah, in wixii dhacay ee is-qarxinta bamka ahaa iyo burburka ee magaalada Riyaadh ka dhacay iyo wax alaaliyo wixii la helay ee ahaa hub iyo qalabka qarxa ee laga helay Makka iyo Madiina horaantii sanadkan 2003, kuligood waa natiijadii ka dhalatay lumintii shaydaanka iyo qurxintiisa shay xad dhaafinta iyo ku talaxtegida shay (si ka baxsan jidkii saxaabada) oo uu shaydaanku lumiyey kuwii qaraxyadaas mas’uulka ka ahaa. Kolkaa dhacdooyinkaas dhacay waxay ka mid yihiin denbi-falka ugu foosha xun iyo kharaabinta ee dhulka ka dhaca. Waxaana taa kasii fool-xun kana sharaf-dhac badan in shaydaanku dhacdooyinkaa u qurxiyo inay jihaad tahay qofka ku kaca. Markaa caqligee iyo diintee baa is-qarxinta, dilka Muslimiinta, iyo dilka dadka ku hoos nool badbaadinta heshiis ee kasoo jeeda dadka aan Muslmiinta ahayn, cabsi gelinta kuwa amniga ku nool, iyo ka dhigida dumarka carmal iyo ka dhigida carruurta agoomo, iyo burburinta dhismayaasha iyo wax kastoo ku hoos jiraa ay u noqon karaan jihaad!?’ (Shiikh Cabdul-Muxsin Al-Cabbaad, Dalka Sucuudiga)
Markaa sidoo kale weerarkii argagixiso ee ka dhacay London, Madrid iyo meela kaleba ayaan loo arki karin inay yihiin Jihaad, oo Diinta Islaamku (waa ka barii) oo shaqo kuma laha dhacdooyinkaas shaydaan (ee foosha xun) iyo kuwii ku kacayba, xitaa haddii kuwa ku kacay ficilkaasi ay ku doodaan inay yihiin qaar taageeraya Islaamka iyo dadkiisa.
Waxa hubaal ah, inay diinta Islaamku ku baaqayso caabudida keligii Allaha wax aaburay ee wax Arsaaqa, Rabiga makhluuqa sare iyo kuwa hooseeyaba, Ilaahii soo diray rususha oo dhan laga soo bilaabo Nuux, ilaa Ibraahim, Muuse, Ciise iyo Muxammed, taas oo naxariista Ilaahay ahayd. Kolkaas rusushaas looma soo dirin inay kenaan kharaabin ama cagta cid marshaan oo fasahaadiyaan, laakiin waxaa loo soo diray dadkoo dhan, iyadoo cidna Ilaahay cibaadada lala wadaajinayn.
DILKA LAGULA KACO QOF MUSLIM AH “Qofkii Mu’min si kas ah u dila, abaalkiisu waa naarta jahanama oo uu ku dhex waaro, oo cadhada iyo lacnada Alle baa korkiisa ah, waxaana u diyaar ah cadaab weyn.” (Quraanka 4:93) Kolkaa shirqoolada shaydaanku Argagixisadaas (irhaabiyiintaas) ku hayo waxaa ka mid ah inuu u qurxiyo raacida waxa naftoodu jeceshay, adeecidda kuwa hogaanka u haya iyo fahamkooda shaydaaniga ah ee foosha xun. Oo shaydaanku wuxuu iska hortaagaa u noqoshada dadka Cilmiga sharciga xanbaarsan, sidaas awgeed dadka culimadu suurtogal uma aha inay u sharraxaan waxanu dhabtii waxay yihiin umana tilmaami karaan dhinaca aragtida saxda ahi tahay. Taas waxaa ka dhalanaya inay ku jiraan oo baaqi ku noqdaan qaladkooda iyo lumida ay lunsan yihiin. Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, baa yidhi : “Oo cid ka lumid badani ma jirto cid raacday hawadeeda hanuun Alle la’aantiis, Alle-na ma hanuuniyo qawm daalimiin ah?” (Quraanka 28:50) Rasuulkii Ilaahay –Salla-laahu-calayhi-Wa-Calaa-aalihi-Wasalam, ayaa yidhi : “ Adduunka oo la waayo ayaa Ilaahay agtiisa kala qiima yar dilitaanka qof Mu’min ah xaq daro lagu dilo [macnaha xadiiska, Saxiix Jaamic 5078].”
DILKA LAGULA KACO QOF AAN MUSLIM AHAYN Sidoo kale dilka ruux aan muslim ahayn waa mid aan shareecadu ogolayn. Waxaan hubnaa, in goodi daran taa laga sheegay. Nebigu Salla-laahu-calayhi-Wa-Calaa-aalihi-Wasalam, ayaa yidhi “Ninka dila qof ku nool heshiis lala galay (waa qof gaal ah oo dawladdu amaan siisay), ma uriyo udgoonka janada, inkastoo udgoonkeeda laga soo urin karo masaafad afartan sano looga socdo’’ Markaas macnaha halkan looga jeedaa waa cid kastoo heshiis muslimka la gasha, ama ha noqoto cidaasi mid joogta dal muslim oo qarash kala baxday joogitaankaas, ama heshiis (xabad-joojin) oo xaakim Muslim ah lala galay, ama ha ahaado magan-gelyo Muslimka laga haysto, kolkaas waa mamnuuc in waxyeelo loo gaysto qofka caynkaas oo kale ah. Kuwaas waxaa soo hoos gelaya shaqaalaha aan muslimka ahayn ee ka shaqaysta dalalka muslimka iyo dadka aan muslimka ahayn ee ku nool dalkooda. Waxaa kaloo ku jira kuwa u soo booqda dalalka aan muslimka ahayn hawlo dublimaasinimo, ganacsi iyo hababka kale ee wax wada qabsi.
KUWA FALKAAS KA MAS’UULKA AH BAA LOO YAQAAN ‘KHAWAARIJ’
ASALKA ARGAGIXISDA CASRIGAN SOCOTAA WAA FIKRADII AY AAMINSANAAYEEN QOLADII KHAWAARIJKA AHAA (EE MUSLIMKA GAALEEYEY DHIIGOODANA XALAASHADAY - mid wax xukama iyo kuwa la xukamoba) Qof kasta oo ku kaca hogaamiyashooda kaasoo xukamaya dadka muslimka ah ee dalkooda, qof kaasi waa khaariji, kicitaankaasi ama ha noqdo mid dhacay wakhtigii saxaabada oo lagaga hor yimid khulafadii hanuunsanaa ama ha noqdo kacaan lagula kaco kuwa iyaga raacay iyo hogamiyaasha wakhti kasta jooga.(Fiiri ‘al-Milal wan-Nixal’ uu alifay Ash-Shahrastaani). Waxaad ogaan doontaa in khaariji kasta oo wakhtigan joogaa uu u qabo cadaawad ba’an hogaamiya-yaasha dalalka muslimka, oo ku baaqayo dhiig la daadsho, dil iyo ridi-taanka dawladahaas. Halkan hoose ka akhri farxadii Usaama Bini laadin ee qaraxii dalka - Sucuudiga, \"Waxaan ku eegayaa il qaddirin mudan iyo ixtiraam nimankaas qadiratan leh iyagoo sharaf-ridkii iyo dulayntii umadeena muslimiinta ah ka dul qaaday, kuwaasi ha noqdaan kuwii qarxiyey magaalada Riyaadh ama Khubar (ee dalka Sucuudiga) ama Bariga Afrika, iyo wixii ficil ah ee kan u eeg’’ (Hadalkaa wuxuu ku sheegay waraysigii u siiyey telefishanka ‘Al-Jazeerah’ TV ee dhammaadkii 1998). Waxay ku sheegaan cid kasta oo la shaqaysa nidaamka dawladda inuu yahay murtad (mid ka noqday diintii), dabeedna shaanbad murtad ayaa lagu shaanbadeeyaa cid kastoo kasoo horjeesan-wayda dawladahaas, markaa halkan waxaad ka arki kartaa in Khawaarijku aanay u kala aaba yeelayn colaada ay u qabaan Dawlad Muslim ah iyo midaan muslim ahayn. Khawaarijku waxay fikradooda ku bilaabaan iyagoo ku sheegaya dawladda Muslmka ah inaanay Muslim ahayn (oo diintii ka noqotay) ka dibna ay uga gudbaan riditaankeeda iyagoo , kacaan dagaal wata iyo dil adeegsanaya, sidii Bin Laadin laftarkiisu qiray : “Hogaamiyaashu waxay ku jiraan gaalnimo weyn taas oo ka saaraysa xerada (daa’irada) Islaamka dharaar cad...” (Waraysi majalada ‘Nida ul-Islam’ ay ka qaaday, cadadkeeda. 15). Waa waajib muslimiinta oo dhan saaran inay muujiyaan diidmada afkaartaas oo dhan oo buuxda jumlad ahaan.
DAGAALKA ISLAAMKU ARGAGIXISADA KU HAYO
Muslimka diinta toosan haysta ee Alle keligii caabuda, ee Nebiga raaca iyo jidkii saxaabada waxay aamin-san-yihiin in khawaarijku ay yihiin afhayeenka [kuwa u heelan] afkaar khariban, oo ay yihiin qaar diinta fasahaad iyo kharaab kusoo daray oo yihiin qaar ku kala kaxeeyey midnamadii Muslimka fahamkooda. Muslimiintii hore way la dagaalameen kooxdan si ay uga dul-qaadan muslimka xadgudubkooda iyo cadaalad la’aantooda. Oo hadduu nebi Muxammed (Calayhi-Salaam) noolaan lahaa isagaaba la dagaalami lahaa sidii xadiiska saxda ah looga wariyey inoo sheegay ee macnihiisu yahay ‘ Hadday noqoto inaan gaadho (waa khwaarijka ee) kolkay soo baxaan waxaan u gawrici doonaa sidii qolladii qawmu caad loo gawracay’ Qoomu caadna waxay ahaayeen qolo lagu xusay Quraanka kuwaas oo lagu tirtiray musiibo dabiici ah, taas oo ahayd ciqaab hab-dhaqankoodi xumaa ka jawaabaysay.
http://www.binbaz.org.sa Aragtida Muslimiinta Jidka toosan haysaa waxaa si cad u sheegay muftigii hore ee dalka Sucuudiga, Inb Baaz, Ilaahay ha u naxariisto, ee yidhi, \"Shaki kuma jiro in tani tahay denbi-fal dhagareedka ka ugu weyn iyo noocyada ugu weyn kharaabiska dhulka dushiisa. Oo kuwa ku kaca fal noocan oo kale ah waxay istaahilaan in la laayo oo loo xidho wixii ay ku kaceen ee denbi weyn ahaa awgeed. Waxaan Ilaahay weydiisa-naynaa inuu ka dhigo qaar dadaalkoodu khasaaro oo naga gacan qabto iyaga iyo cida la jaadka ah oo naga badbaadiyo sharkooda iyo sharka kuwa la nooca ahba, oo Ilaahay shirqoolkooda oo dhan burburiyo, Ilaahay isagaa ah kii sareeyey, weynaa, deeqsiga ahaa ee naxariista badnaa.\" (‘Ururinta Fatwooyinka Shiikh Ibn Baaz’). Caalimkii Muslimka ahaa ee weynaa ee, Wahab bin Munabbih ayaa yidhi kumanaan sano ka hor , “Khawaarijku weligood ma noqdaan jidh midaysan, hadday dhacdana Ilaahay baa u kala jabsha xaalado kasii liita. Ma dhacdo in mid ka mid ahi afkiisa kala qaado haday dhacdana Ilaahay baa qoorta ka jabsha. Weligood Ilaahay ummada Islaamka ah kuma midayn gacanta nin khaariji ah. Haddii Ilaahay khawaarijka awood siin lahaa kolkaa waxaa hubaal ah in adduunyadu noqon lahayd mid kharaabta, wadooyinku way xidhmi lahaayeen, oo xaj soo gudashadu mid joogsata ayey noqon lahyd. Kolkaa wixii mar Islaam ahaan jiray wuxuu isu rogi lahaa jaahilnimo naxariis daran, ilaa dadku ay arkaan iyagoo noqday kuwo barya inay buuraha dushooda ku eekaan lahaayeen siday samayn jirayn casrigii Islaamka ka hor. Wakhtigaas waxaa soo bixi doona in kabadan toban ama labaatan nin, ma jiro mid kuwaa ka mid ah, hadduu jirana wuxuu ku andacoon doonaa inuu yahay hogaamiyihii saxda ahaa. Mid kastoo ka mid ahi wuxuu yeelan doonaa kun nin oo u dagaalama, iyagu isla dagaalama midba ka kale gaalaynayo. Qofka mu’minka ahi naftiisuu u cabsan doonaa iyo diintiisa, dhiigiisa,qoyskiisa iyo maalkiisa.” (‘Taariikhda Dimishiq’, Mujaladka. 18)
IS-DILKA BAM ISKU QARXISKU WAA MID JUMLAD AHAAN REEBAN
Is-dilku (Intixaarku) waa marka qof ogaan isu dilo wax kastaba ha u adeegsadee. Tani (is-dilku) waa mid reeban oo mamnuuc ah waxaana lagu tiriyaa inay ka mid tahay dunuubta kuwa ugu waaweyn. Marka laga hadlayo waxa dadka qaarkood ku kacaan ee isku soo xidhka waxyaala qarxa ah ee ka dibna ay ku gaadayaan gaalada ee isku dhex qarxinayaan, taasi waa is-dilis iyo intixaar, Ilaahay baynu ka magan-gelaynaa. Kolkaa mid kastoo is-dila waxaa lagu ciqaabaa naarta holcaysa, isagoo halkaa weligii ku jiraaya, sida ku xusan xadiiskii rasuulka, Salla-laahu-calayhi-wa-calaa-aalihi-wasalam- waa macnaha xadiiska ee- , \"Oo qof kastoo nafta iskaga qabta shay xadiid ah, waxaa gacantiisa ku hadhi doonta shaygaas xadiidka ah, oo si joogta ah buu caloosha isaga dari doonaa naarta gudaheeda isagoo ku waara, weligi iyo weligiiba.\" Qofkaasi naftiisii buu dilay oo Islaamka waxba muu tarin. Markaa hadduu naftiisa dilo oo toban qof oo kalena uu galaafto, ama boqol kale, ama laba boqol oo qof oo kale, Islaamku mid taa wax dheef ah ka helaya maaha. Laakiin, taasi waxay ka dhigysaa cadawgaa mid kusii adkaada Muslimka, oo falkaasi wuxuu kusii shidi doonaa ciilka iyo cadhada wadnahooda ilaa ay ka gaadhaan heer ay rabaan inay Muslimka khalkhal geliyaan oo cagta marshaan. Tani waa ta laga arko habka Yuhuudu Shacabka Falastiinta ula dhaqanto – kolkaa, markastoo mid falastiiniyi is-qarxiyo oo dilo lix amba toddobo qof, daba-deedna taa waxay kaga jawaabaan iyagoo dila lixdan ama toddobaatan qof ama in ka badan. Markaas falkani wax faa’iido ah uma keeno dadka Muslimiinta ah, wax dheef ahna uma keeno kuwaa dhexdooda is-qaruxu ka dhacay. Markaa waxaannu aamin-sanahay waa dadkaas ku kaca falka is-dilka ah (bam-isku-qarxiska ah) waa qaar qalad isu-dilay , oo taasini waxay keensanaysaa inay naar ku galaan, Ilaahay baanu ka magan-galnay, oo qofkaasi maaha mid Ilaahay hortii u dhintay ( maaha mid shihiid ah). (Shiikh Ibn Cutaymiin, Dalka Sucuudiga). “Oo hana dilina naftiina, Ilaahay wuxuu idiin hayaa Naxariistee.” (Quran 3:29) Waxa qof kastaa ogsoon yahay, qofkasta oo qadar yar oo garasho caadi ah lehi in af-duubka diyaaraduhu iyo afduubka carruurtu iyo waxa la halmaala ay yihiin denbi-fal aad u khatar weyn, oo adduunka meel kastaba ka ah. Saameyntooda xumi waa mid meel kasta gaadhaysa, sida ka muuqata dhibaataynta weyn iyo carqaladayntan loo gaysto dad aan waxba galban, taa natiijadeeda saamayn ku yeeladkeeda oo iskuduubani cid fahmi karta oo aan Alle ahayni ma jirto. Shaki kama jiro saamaynta denbi-falkaas dhagareed yeelanayo, kolkaa waa ku waajib xukuumadaha iyo kuwaas mas’uulka ah ee Culamada dhexdooda ah iyo kuwa kaleba inay arrimahaas siiyaan ka baaraandegid weyn oo u adeegsadaan naftooda intii suurtogal ah soo afjarida sharkan.
TALO MUHIIM U AH MUSLIMKA WADAMADA REER GALBEEDKA KU NOOL Ogow, oo la soco, in Khawaarijku ay dhibaato ku hayaan muslimka, runtii ma jiraan cid Muslimka iyaga uga dhib badani, Yuhuuda iyo Nasaarada midkoodna ugama dhib badna Muslimka. Khawaarijtu waxay isku taxalujiyeen dilka muslim kasta oo aan aragtidooda ku raacin, ku xukumka dhiiga Muslimka, maalkooda, iyo gawricida ubadkooda inay tahay mid sharci ah, iyagoo ku sheegaya muslimiintu inay yihiin qaar gaaloobay.
DIYAARAD AF-DUUBKA IYO QAFAASHIGU WAA WAX ISLAAMKA QALO KU AH
Waxayna tan u arkeen inay tahay cibaado, iyadoo looga soo dhacay jahligooda iyo xaq-dhinac markooda kaas oo u sababay inay lumaan. Tan waxaa qiray qaar badan oo ka mid ah Culamadii Muslimiinta ee waaweynaa ee wakhti kasta joogay. (Eeg ‘Minhaaj As- Sunna’ ee Ibn Taymiyyah).
http://www.ibnothaimeen.com
Caalimkii weynaa ee Shiikh Ibn Cutaymiin baa yidhi , “Waxaan idinku martiqaadayaa inaad ixtiraam u yeelataan dadyowga xaqa u leh in la ixtiraamo, ee Muslimiinta ka midka ah iyo dadka aan Muslimka ahayn ee aan la leenahay heshiis amni iyo mid badbaadin. Dalka aad ku nooshihiin xaalkiisu waa mid ah inaad heshiis la leedihiin iyaga. Hadaanay sidaa xaaladdu ahayn waxaa dhici lahayd inay idin laayaan ama idin eryaan. Sidaas awgeed, ilaasha heshiiskaas, oo ha noqanina qaar khiyaameeya heshiiskaas, waayo khiyaamada waa calaamadda munaafiqiinta, mana aha jidkii mu’muniinta. Ogadaana in si sax ah looga soo weriyey Nebigii inuu yidhi , \"Cidii disha qof heshiis badbaado ku hoos nool ma uriyo udgoonka janada.\" Kolkaa haku qatalmina odhaahyada dadka caqli-gaabka ah, kuwaas oo odhanaya: “Dadkaasi waa gaalo, oo kolkaas maalkoodu waa noo xalaal oo dhiigoodu waa noo xalaal.” Alle baan ku dhaartaye tani waa been! Been laga abuurtay diintii Ilaahay, iyo been ay ku tahay bulshooyinka Muslimka ah. Markaa ma odhanayno waa sharci in la khiyaamo dadka aan heshiiska la galnay. Waar hooya walaalahayow! Waar Dhalin yartaay! Waar Muslimiintaay! Run ka sheega waxaad iibsanaysaan iyo waxaad iibinaysaanba, iyo kiradiina, iyo waxaad wakhti go’an lahaanshihii ku heshiisaan, iyo waxkastoo nashaad ganacsi ah ee idin dhex maraba. Waayo, run-sheegu wuxuu ka mid yahay astaamaha Mu’miniinta, oo Ilaahay isagaa Sareeya ee, wuxuu amaanay runsheega, waa macnaha aayada ee, \"Kuwi iimaanka laga helow, Ilaahay ka cabsada oo waajibka Ilaahay idin saaray ilaasha oo kuwa runsheega-yaasha ah la jira.\" Nebiguna wuxuu dhiirrigeliyey runsheegista oo yidhi, macna ahaan- ,\"Ku dheg runsheega, waayo runsheegu wuxuu kugu ridaa wanaaga, waanaguna wuxuu kugu ridaa janada; qofkuna kama zuulo runsheegid, isagoo isku taxulujinaya runsheega Ilaa laga qoro xaga Ilaahay qof run badana ah oo sidiiq ah\". Wuxuuna ka digay been-sheega, oo yidhi , \"Ka digtoonow beenawaasnimada, waayo beenlownimadu waxay kugu ridaa jid gurracan, jidka gurracana wuxuu kugu ridaa naarta. Qofkuna beensheegida ayuu sii wadaa, oo isku taxalujiyaa inuu beensheego ilaa laga qoro xaga Ilaahay beenawaas.\" Waar hooya walaalahayga Muslimiintow! Waar dhalinyartaay! Noqda kuwo odhaahdooda run ka sheega ay walaalahood ku leeyihiin, iyo kuwaa aan muslimiinta ahyn ee aad la nooshahay – si aad u noqotaan kuwo ugu baaqaya diinta Islaamka si daacad ah, ficilkiina ha noqoto odhaahdiina ha noqoto. Meeqa dad ah baa jira kuwaas oo markii hore diinta kusoo galay waayo hab-dhaqanka iyo usluubta Muslimiinta awgeed, iyo runsheegooda, iyo run ka sheegooda tacaamulkooda ganacsi.” (Shiikh Ibn Cutaymiin, Dalka Sucuudiga ).
Bahda SalafiSomali.com |